October 7, 2025

Wasiir Roobow Oo Yiri” Suurta gal Ma ahan in Al Shabaab Ay dalka qabsadaan”

Wasiir Arrimaha Diinta Iyo Aawqaafta  Mukhtaar Roobow ayaa si kulul uga hadlay hadal heynta baryahan soo badatay ee ku aadan in kooxda Al-shabaab ay qabsan karto magaalada Muqdisho.

Wasiir Roobow oo suxufiyiinta shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in kooxda Shabaab aan lala barbar dhigi karin kooxda qabsatay dalka Syria ee uu hoggaamiyi Axmed Sharac.

 

Wasiirka oo caro xooggan wajigiisa laga dheehan karay ayaa arrintaas sal uga dhigay in Shabaabku aysan ogoleyn in cid aan iyaga eheyn ay la tacaamulaan, dadkaasoo kalena wuxuu tilmaanay ineysan dal qabsan karin.

“Muqdisho Kabul maaha, Dimishiqna maahan, Axmedkiinana (Axmed Diiriye) Axmed Sharaac maaha, qof aan ogoleyn cidna inuu la tacaamulo dal ma xukumi karo, taas ayaga u sheegayaa, kaliya waxay u baahan tahay in la midoobo iyo in la iska dhiciyo” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Mukhtaar Roobow Abuu-mansuur oo mar soo noqday kuxigeenka hoggaamiyaha Shabaab ayaa bogaadiyay howlgalka kooxdan ka dhanka ah ee ka socda gobolada dalka, si gaar ah Hirshabelle, isagoo shacabka ugu baaqay iney laamaha amniga gulufkan xoreynta ah ay ku taaageeraan.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*