October 7, 2025

Duqeeyn Ka Dhacday Ceelbacad Iyo Saraakiil Alshabaab ah Oo Lagu dilay

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay duqeyn lagu  Dilay  saraakiil ka tirsan kooxda Alshabaab kadib duqeyn ka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe.
Duqeyntan ayay dowladu sheegtay inay ka dhacday maanta deegaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe kaasoo dhawaan ay soo galeen kooxda Alshabaab, ayna ka caawiyeen dalal ay saaxibo yihiin dowladu.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ayaa guul muhiim ah ka gaaray howlgal duqeyn ah oo ka dhacay deegaanka Ceel-bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowlada federalka Soomaaliya.

Sida Ay Sheegayaan Dowlada Federalka Somaliya in Duqeyntan lagu diley horjeege ka tirsan Alshabaab kaas oo magaciisa ay ku sheegtay Yuusuf Dhegnaas.

 

Howlgalkan oo dhacay gelinkii dambe ee maanta ayaa lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan Khawaarijta,Wararka hordhaca ah ee laga helayo howlgalkan ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay horjoogeyaal muhiim u ahaa khawaarijta oo mid ka mid ah lagu magacaabo Yuusuf Dhegnaas.”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowlada.

Sidoo kale, waxaa ay sheegtay dowladu in duqeynta lagu gubay saddex gaari oo ay kooxda Alshabaab u adeegsan jireen dhibaateeynta shacabka Soomaaliyeed.

Ma jiro warar ka madax banaan dowlada oo xaqiijinaya warkan goor dhow ka soo baxay dowlada federalka Soomaaliya.

 

 

 

 

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*