October 7, 2025

In kabadan 180 Qof Oo Tahriibayaal ah Ayaa Dooni kula degtay xeebaha Dalka Yamen

Ku dhawaad 180 muhaajiriin ah ayaa la la’yahay waxaana loo maleynayaa inay geeriyoodeen kadib markii labo doon oo ay ku safrayeen ay Maalintii Khamiistii ku qalibmeen xeebaha Yemen, sida uu sheegay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ee IOM.

Doomaha ayaa siday muhaajiriin kasoo jeeda Geeska Afrika waxayna ku gaddoomeen xeebaha degmada Dhubab ee gobolka Ticis.

 

Sidoo kale Waxa jiray digniinno dhanka cimilada ah, doomaha ayaa ku quusay badda. Keliya labo shaqaale oo Yemen u dhashay ayaa la badbaadiyay, halka dhammaanba rakaabka iyo shaqaalaha kale laga baqayo inay dhinteen, welina wax meyd ah lama helin,” ayuu yiri afhayeenka IOM Tamim Elyan.

Dhanka kale Maalintii  shalay, IOM ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ku sheegtay in ugu yaraan 186 qof la la’yahay kadib markii afar doomood ay ku qalibmeen xeebaha Yemen iyo Jabuuti, iyadoo kala jeedda isla dhacdadan.

heyada IOM ayaa intaa ku dartay in ilaa 558 qof ay marinkaasi naftooda ku waayeen sanadkii lasoo dhaafay.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*