
Sida Ay baahisay Warbaahinta Amhara news in Ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ayaa soo gaareen meel u dhow xuduudka Itoobiya iyo Soomaaliya ee Dhanka feerfeer.

Sidoo kale Ciidamadan ayaa la filayaa in la geeyo deegaanada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, si ay uga qeyb qaataan guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaab, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay weeraro rogaal celin ah ku soo qaaday deegaanada Shabeellaha Dhexe.
Dhanka kale Maalmo ka hor ayay aheyd markii diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqeymo culus ka geysteen deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kaddib codsi ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba Ha ahaatee Dadka Ka faalooda siyaasada Ayaa qaba in qorshahaan Hada socdo in uu ahaa mid laga soo shaqeeyay Kadib Marka Ay qabsadaan Alshabaab deegaano badan Oo horey looga xureeyo in Ay Dib u qabsadaan si markaasi Ay Fursad u helaan Ciidanka Itoobiya iyo Dowlada Itobiya ayagoo markaasi Soo Dhex Degaano gobolo aysan Hore u daganeen Sida G/Sh/Dhexe Dowlada Itobiya Waxa ay u sahlaysaa in Ay Somaliya Oo dhan si sahlan ku maamusho maadaama ay ciidankeedii ku sugan yihiin guddaha dalka
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag