January 16, 2026

Magaalada Laascaano Oo Bandow Lagu Soo Rogay Iyo Ammaanka Oo aad Loo Adkeeyay

Maamuka Waqooyi Bari ayaa 48 saac ee soo socda xayiray isku socodka gaadiidka magaalada Laascaanood, sida uu ku dhawaaqay wasiirka warfaafinta maamulka Waqooyi Bari Axmed Diiriye.

Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamadii ugu badnaa lagu daadiyay wadooyinka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Maalmihii u dambeeyay Magaalada  Laascaanood ku soo qulqulayay wafuud ka socota dowlada federaalka Soomaaliya, kuwaas oo hordhac u ahaa safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/ Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/ Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka degaya magaalada Laascaanood, iyada oo ammaanka si Weyn loo adkeeyay.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxay ka qaybgalayaan munaaasabad lagu caleemo-saarayo madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, taas oo qorshuhu yahay in ay dhacdo maalinta sabtida ee berri.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*