January 15, 2026

Dowlada Somaliya Oo Ka Hadashay xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga  Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal cirka ah oo xalay ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ka fuliyeen deegaanka Jabad Godone ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu beegsaday goob ay argagixisada Al-Shabaab ku abaabuli jireen falal argagixiso, gaar ahaan qorsheynta iyo diyaarin qaraxyo lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasaaraddu waxay xaqiijisay in intii uu socday howlgalkaas lagu dilay 17 xubnood oo ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo si toos ah uga qayb qaadanayay falal amni-darro ah. Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba la burburiyay hub iyo gaadiid ay kooxdaasi u adeegsan jirtay weerarrada ay ku beegsan jirtay shacabka iyo hay’adaha amniga.

Dhanka kale Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa carrabka ku adkeysay in howlgalka uu ahaa mid si taxaddar leh loo qorsheeyay, isla markaana u dhacay sidii loogu talagalay, iyadoo aan wax khasaare ah loo geysan shacabka ku nool deegaanka lagu fuliyay weerarka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*