January 15, 2026

Mareykanka oo go’aamiyay duullaan deg deg ah oo lagu qaado wadanka Iran

NEW YORK TIMES    ayaa heshay xog ku wajahan in Madaxweyne Trump    uu  go’aamiyey in weerar la qaadayo iyo , saanado Milateriga Mareykankana la geeyey saldhigyada weerarka laga qaadayo, hayeeshee nooca loo fulinayo ayaa wali horyaala Trump oo leh go’aanka kama dambeysta ah.

“Mareykankuna waa diyaar inuu caawiyo” ayuu yiri Trump.

Dhanka kale Madaxweyne Trump ayaa  loo gudbiyey Noocyada weeraro lagu qaado dalka Iran, kuwaas oo lagu doonayo in lagu taageero dadweynaha doonaya in ay meesha ka saaraan xukunka ay toobiyaha u hayaan wadaada 40-ka sano ka badan haya Talada Iran.

Xoghayaha dagaalka ayaa u sheegay wariyayaasha in ay ka go`an tahay isbedel laga sameeyo Iran, kaas oo loo raacayo rabitaanka dadweynaha oo banaanbaxyo dhigaya, markii u adkeysan waayeen xaalka taagan.

“Iran waxay u muuqataa inay wajahday xorriyad, laga yaabee sidii hore aan loo arag,” ayuu Trump ku qoray baraha bulshada Sabtidii.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*