January 15, 2026

Wasiirada Arrimada Dibeda Sacuudiga iyo Soomaaliya Oo Ku Kulmay Magalada Riyad

.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah, ayaa  magaalada Riyadh ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali.

Kulanka Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarka muhiimka ah ee gobolka.

Intii lagu guda jiray kulanka, Amiir Faisal wuxuu ku adkeeyay taageerada buuxda ee Boqortooyada Sacuudiga u hayso madaxbannaanida, midnimada, iyo xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo si cad u diiday wax kasta oo wax u dhimi kara ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista xiriirka Sacuudiga iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa loona ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan. Labada wasiir waxay sidoo kale is-weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan horumarka gobolka iyo arrimo dhowr ah oo ay wada daneynayaan.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Waleed Elkhereiji iyo Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Arimaha Siyaasadda, Safiirka Dr. Saud Al-Sati, taasoo muujineysa sida ay Sacuudigu muhiim ugu tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*