January 15, 2026

Qarax lagu Weeraray Kolonyada Madaxweynaha HirShabeelle ee Duleedka Jowhar

Wararka ayaa Sheegaya In Qarax xooggan lala eegtay gaadiid galbinayay Madaxweynaha Mamulka  goboleedka HirShabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, xilli ay marayeen inta u dhaxaysa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar iyo gudaha magaaladaas.

Sidoo kale Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in qaraxu ahaa mid wadada dhinaceeda la dhigay, kaas oo qabsaday mid ka mid ah gaadiidka kolonyada ah ee qaybta ka ahaa ilaalada madaxweynaha.

Sidoo kale ​Waxa uu qaraxan sababay khasaare dhaawac ah oo soo gaaray qaar ka mid ah ilaalada madaxweynaha, in kastoo aan ilaa hadda la soo werin khasaare dhimasho ah oo rasmi ah.

Sidoo kale Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa la sheegay inuu ka badbaaday weerarkaas, isagoo si nabad qab ah ku gaaray halkii uu u socday.

Ciidamada ammaanka ayaa durbaba xiray aagga uu falku ka dhacay, iyagoo halkaas ka bilaabay baaritaanno lagu baadi-goobayo kooxihii ka dambeeyay weerarkaas.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*