October 7, 2025

Fanaan Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Jarmalka

Wararka ka imaanaya Dalka Jarmalka ayaa sheegaya In Fannaan Soomaaliyeed Oo Magaciisa lagu sheegay Mr.Qaadiro  lagu diley magaalada Ditzingen ee dalka Jarmalka, sida ay werisey warbaahinta Soomaalida dalkaasi.

Alle ha u naxariistee marxuumka waxa la sheegey in uu mindi ku diley nin Soomaali ah oo ay wada degenaayeen qol ku yaal kaam qaxoonti ah.

Ciidamadda booliska dalka Jarmalka ayaa lagu soo wareamayaa iney gacanta ku dhigeen danbiilaha falkaasi dilka ah geystay, kaasoo baaritaano ay ku socdaan.

Dhanka kale Sida uu sheegayo Xeer ilaaliyaha Magaaladda Stuttgart  Soomaalidan ayaa waxaa dhexmaray muran isku badalay Gacan ka hadal .

Nin wax dilay oo 40 jir ah ayaa markii dambe Mindi dhawr meelood ka galiyey Marxuumka,  .

Inkastoo shaqaalaha gargaarka Degdega ahi Goobta ay soo gaareen haddana uma suurtoobin inay badbaadiyaan  Marxuumka waxaanuu ku geeriyooday Goobta .

Si kastaba,ha ahaatee  Soomaalida ku nool dalka Jarmalka ayaa si aad ah u hadal heysa dhacdadan, kuwaasoo cabsi xooggan ah ay soo wajahday.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*