Xoghaynta IGAD waxay mar kale si adag u xaqiijisay taageerada midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
:
IGAD waxay ka hadlaysaa Warbixinadii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika, oo ay ku jirto hadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland ee ay sheegtay Israa’iil.
Waxay caddeyneysaa in Soomaaliya weli tahay dal madax-bannaan oo xubin ka ah IGAD, isla markaana midnimadeeda iyo dhulkeeda si buuxda looga aqoonsan yahay sharciga caalamiga ah.
Waxay sheegtay in aqoonsi hal-dhinac ah uu ka hor imanayo Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Ururka Midowga Afrika, iyo heshiiska dhisay IGAD.
Ururka IGAD waxay ugu baaqday dhammaan saaxiibada caalamka inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah, taageeraanna wadahadal iyo geeddi-socodyo nabadeed.
Sidoo kale Waxay mar kale muujisay garab-istaag buuxa oo ay la leedahay dowladda iyo shacabka Soomaaliya, kana go’an inay taageerto nabadda, xasilloonida, iyo barwaaqada Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka IGAD.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag