October 7, 2025

Dowlada Imaaraatka Oo M/Puntland Ku Taageeray Gaadiid Dagaalka

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntland ugu deeqday in ka badan 100 gaadiidka oo ah kuwa dagaalka , kuwaas oo  laga soo saaray dekedda magaaladda Boosaaso.

Gaadiidkaan ayaa kusoo aaday xili Maamulka Puntland ay dagaal kula jirto kooxda Daacish kaas oo ka socda buuralayda Calmiskaad.

Imaaraadka Carabta ayaa xoojiyay taageeradda tooska ah ee Maamulka Puntland uu siinayo tan iyo intii uu dagaalkaan bilowday.

Sidoo kale Gaadiidkan dagaal ayaa ka qeyb qaadan doono howlgal dagaal ee ka socda deegaanada ka tirsan Buuraleyda Cali-miskaad ee Gobolka Bari.

Dhanka kale Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay ka qeyb qaataan duqeynta lala beegsanayo maleeshiyaadka Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa Buuraleyda Cali-Miskaad ee gobolka Bari.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*