January 16, 2026

Dowlada Suudaan Oo Soomaaliya Uga Mahadceliayay Taageerada Caalamiga ah ee ay Siiyaan

RWasaaraha Suudaan, Kamil Idris, ayaa uga mahadceliyay Soomaaliya iyo dalal kale taageerada ay siiyaan Suudaan, gaar ahaan sida ay u difaacaan mowqifkeeda marka la joogo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, xilli ay dalkaasi ka sii socdaan dagaallo culus oo u dhexeeya ciidanka qalabka sida iyo xoogagga RSF.

RWasaaraha Suudaan   Kamil Idris oo wariyeyaasha kula hadlay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ayaa sheegay in Suudaan ay si weyn u qadarinayso garab-istaagga ay helayso, isagoo xusay in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay ay door muhiim ah ka qaataan in codka Suudaan laga maqlo fagaarayaasha caalamiga ah, isla markaana la muujiyo xaqiiqada ka jirta colaadda dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Sudaan wuxuu carrabka ku adkeeyay in difaaca diblomaasiyadeed ee dalalka saaxiibka la ah Suudaan uu ka caawinayo in la yareeyo cadaadisyada siyaasadeed iyo go’aannada hal dhinac u janjeera ee laga gaaro xaaladda dalkaas.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo dagaallada u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo xoogagga Rapid Support Forces ay weli ka socdaan qaybo badan oo dalka ka mid ah, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo hantiyeed, barakac ballaaran, iyo xaalad bani’aadannimo oo sii xumaanaysa.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*