January 16, 2026

Weerar Ka Dhacay Magaalada Johannesburg Iyo Dhimasho Ka Dhalatay

Sida ay Wararka Sheegayaa Ku dhawaad 9 qof in lagu dilay  halka 10 kale ay ku dhaawacmeen weerar hubeysan oo ka dhacay xaafad ku taalla galbeedka magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, sida ay warisay Warbaahinta Qaranka Koonfur Afrika ee SABC.

Weerarkan ayaa ka dhacay xaafadda Bekkersdal, kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen maqaaxi ku taalla halkaasi. Falkaasi ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaraya 19 qof.

Sidoo kale Booliska Koonfur Afrika ayaa xaqiijiyay dhacdada, iyaga oo sheegay in ay bilaabeen baaritaanno iyo baadigoob lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay weerarka.

Dhanka kale  ciidamada ammaanka ayaa adkeeyay sugidda amniga xaafadda, si looga hortago falal kale oo rabshado ah.

Si kastaba ha ahaatee Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee weerarka, mana jirto cid loo soo qabtay falkaasi, balse mas’uuliyiinta ayaa ballanqaaday in ay faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonaan marka baaritaanku soo dhamaado.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*