January 16, 2026

Madaxweeyne Dalka Masar Oo Yiri”Itoobiya Waxa aan isku Heeynaa Waa Biyo Xireenka Wabiga Niile”

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi, ayaa sheegay in dalkiisu uusan wax dhibaato ah ku qabin Itoobiya, marka laga reebo baahida loo qabo in la gaaro heshiis sharci ah oo cad oo ku saabsan biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).

Madaxweeyne  Al-Sisi ayaa  ka jeediyay magaalada Qaahira, xilli uu la kulmayay wufuud Afrikaan ah oo ka qeyb galayay shirka labaad ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika, kaas oo haatan ka socda dalka Masar.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee Al-Ahram, madaxweynaha Masar wuxuu carrabka ku adkeeyay in mowqifka dalkiisu uu yahay mid ku saleysan ilaalinta xuquuqda biyaha ee Webiga Niil.

Madaxweeyne Al-Sisi ayaa sheegay in danta kaliya ee Masar ay tahay in aan lagu xadgudbin xuquuqdeeda taariikhiga ah ee Niil, taas oo uu ku tilmaamay arrin lagu xallin karo oo keliya heshiis sharci ah oo dhaqan-gal ah oo ay wada gaaraan Masar, Itoobiya iyo Suudaan.

Dhanka kale, todobaadyo ka hor, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Abdellatif, ayaa sheegay in dalkiisu uusan hadda doonayn wadahadallo kale oo Itoobiya la yeesho, kadib markii 13 sano oo wadahadal ah aysan miro dhalin.

Wasiirka ayaa xusay in Masar ay xaq u leedahay inay ilaaliso danaha iyo xuquuqdeeda sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah.

Dhinaca kale Khilaafka ku saabsan biyo-xireenka GERD ayaa weli ah mid taagan, iyadoo Masar ay ka walwalsan tahay saameynta uu ku yeelan karo qulqulka biyaha Webiga Niil, halka Itoobiya ay ku adkeysanayso in mashruucu yahay mid horumarineed oo aan waxyeello u geysan doonin dalalka kale ee wabiga ku tiirsan.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*