January 16, 2026

Dhacdo Naxdin leh” Aabe Soomaaliyeed Oo gabadhiisa Ku Dilay Degmada Baardheere

Wararka laga Helayo Degmada Baardheere ayaa sheegaya In dhacdo naxdin badan ah ay ka dhacday  barqanimadii maanta magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib markii uu Aabe Soomaaliyeed ku gowracay gabar uu dhalay.

Aabaha ayaa la sheegay inuu gabadhiisa ku gowracay duuleedka degmada Baardheere, gaar ahaan nawaaxiga xerada barakacayaasha Iftin.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in aabahan Soomaaliyeed uu gowraco gabadhiisa, waxaana dhacdadaan naxdinta leh maanta si weyn looga hadal haya gudaha magaalada Baardheere iyo deegaanada ku dhadhaw.

Guddoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo Aadam Maxamed Axmed dhagacade ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadaan argagaxa leh, isagoona sheegay in ciidamadu ku raad joogaan soo qabashada aabaha gabadhiisa dilay.

“Waa sax wey jirta in Aabe uu maanta  gowcaray gabadhiisa, waxaa naloo sheegay inuu gabadhiisa ku waday baabur ayaa xamar ku saaraya, marku banaanka magalada geeyayna uu gowracay, ma cadeyn karno sababta uu u gowracay gabadhiisa lakiin baaritaan ayaa arinkaasi ku wadna” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baardheere Aadam Maxamed Axmed dhagacade.

Sidoo kale Guddoomiye dhagacade ayaa  sheegay in dhacdadan ay la yaab ku  noqotay guud ahaan dadka reer Baardheere, Iyo Guud ahaan Somalida Oo dhan  wuxuuna xusay in cadaalada la horkeeni  doono aabaha gabadhiisa gowcaray gabadhiisa.

Dhina kale Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ee aragaxa badan ayaa sanadahii ugu dambeeyay si weyn ugu soo kordhaayay inta badan gobolada dalka, waxaana u dambeysay dhacdadii laba maalin ka hor ka dhacday magaalada Galdogob ee la sheegay in ninka lagu magacaabo Cismaan Maxamuud Cali uu ku dilay Hooyadiis iyo Xaakiisii.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*