January 16, 2026

Dowlada Sacuudiga Oo Tarxiishay Ku Dhawaad 24,000 Qof Oo Lagu eedeeyay Tuugsi

Dowlada Sacuudiga oo ka Tarxiishay  In ka Badan 24,000 Qof oo Ku Eedeysnaa Tuugsiga
Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa qaaday tallaabo adag oo ay dalka kaga Tarxiishay in ka badan 24,000 oo qof, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen tuugsiga ama dawarsiga, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay ku sugnaayeen dalka si sharci-daro ah.

Sidoo kale Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Dowlada Sacuudigu ku xoojinayo ammaanka, nidaamka iyo kala dambeynta bulshada, gaar ahaan magaalooyinka barakeysan iyo xarumaha waaweyn ee dalka.

Go’aankan ayaa yimid kadib olole ballaaran oo ay hay’adaha ammaanka Sacuudiga ka fuliyeen magaalooyin ay ka mid yihiin Makka, Madiina, Riyadh iyo Jeddah.

 ololahan, waxaa si gaar ah loo bartilmaameedsaday dad lagu tuhunsanaa inay tuugsiga ka dhigeen ganacsi abaabulan, isla markaana ku shaqeynayay shabakado is xiran oo ka faa’iideysta dareenka shacabka, gaar ahaan kan diimeed ee la xiriira goobaha cibaadada.

Wararka laga helayo ilo diblomaasiyadeed iyo hay’ado ajnabi ah ayaa tilmaamaya in inta badan dadka la Tarxiilay ay u dhasheen dalka Pakistan, inkastoo ay jireen dad kale oo ka kala yimid dalal kala duwan.

Dowladda Sacuudiga si rasmi ah uma shaacin tirooyinka dal ahaan loo kala saaray, balse tirada guud ee 24,000 qof ayaa si ballaaran loogu soo weriyay warbaahinta caalamka.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in tuugsigu yahay fal dambiyeed si cad uga hor imanaya sharciga dalka, ayna jireen dad adeegsanayay carruur, haween iyo dad naafo ah si ay u helaan naxariis iyo dhaqaale.

 Sidoo kale  Waxaa la xaqiijiyay in ay jireen kooxo abaabulan oo ka shaqeynayay goobaha barakeysan, kuwaas oo si nidaamsan uga faa’iideysanayay dareenka diimeed ee dadka soo booqda Xaramka iyo masaajidda kale.

Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa mar kale ku adkeysatay in sadaqada iyo zakada lagu bixiyo hay’adaha rasmiga ah ee loo Jideeyay halkii lagu bixin lahaa shaqsiyaad waddooyinka fadhiya ama ku sugan goobaha dadweynaha.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*