
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiska ku qaabilay wafdi masuuliyiin sare oo ka socday dalka Masar.

Kulanka labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimaha la xiriira wadashaqeynta labada dhinac iyo horumarinta xirfadaha saraakiisha booliska labada dal, iyada oo kulanka qeyb ka ahaa Taliyaha Boliiska Goblka Banaadri Gaashaale sare Macallin Mahdi.
Sidoo kale, kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha xoojinta xiriirka amniga, horumarinta xirfadaha ee dhanka tababarrada iyo la dagaallanka dambiyada.
Kulanka wafdigaan iyo Taliyaha Boliiska Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa imaanaya xilli ay dhawaan wadamada Soomaaliya iyo Masar kala saxiixdeen heshiiisyo la xiriira iskaashiga amniga ee labada dal.
Si kastaba ha ahaate Dowlada somaliya ayaa marba meel u yaaceeysa ma lahan ujeedo Fog oo ku dhisan siyaasad waxa aad arkeeysaa maalin kasto taliya ama madax ama wasiir ayaa la kulmay wafdi ka yimid dalal kale mana jiro wax cad oo la taaban karo oo ka soo baxaya.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag