January 16, 2026

Ururka Midowga Yurub Oo Ku dhawaad 7$ Milyan Ugu Deeqay Soomaaliya

Midowga Yurub (EU) ayaa ku dhawaaqay in ay Soomaaliya ugu deeqday in ka badan $7 milyan oo gargaar cusub, si loo xoojiyo howlaha bani’aadantinimo loona dardargeliyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Tallaabadani waxay qayb ka tahay dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo xasilloonida iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Safiirka EU-da ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in deeqdan cusub ay si gaar ah u xoogga saaraysid:

Taageeridda ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed Kor u qaadista nabadda iyo wada-noolaanshaha Hagaajinta xaaladaha nololeed ee bulshada Adkaynta ilaalinta xuquuqda aadanahaLa tacaalidda baahiyaha ka dhasha abaaraha daba-dheeraaday

deeqdan ayaa ku soo beegantay kadib shirar dhowaan dhexmaray dowladda federaalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaal caalami ah, kuwaas oo isku raacay in la xoojiyo iskaashiga lagu caawinayo bulshooyinka sida gaarka ah u saameeyay abaarta iyo colaadaha.

Dowladda federaalka iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay qaadan doonaan hab isku-dhafan oo lagu yareynayo dhibaatada dadka haysata, isla markaana lagu dhisayo adkaysi mustaqbal oo waara, taas oo ka tarjumeysa istaraatiijiyadda EU-da ee horumar waara iyo maamul ku dhisan ilaalinta xuquuqda.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*