January 16, 2026

Ku dhawaad Lix ruux Lagu Dilay Magaalada Beledxaawo Iyo Faah-faahino laga helayo

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dhowr qof oo siyaabo kala duwan saacadihii u danbeeyay loogu dilay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Koox Hubeysan ayaa Saakay Ku Dilay sarkaal Ciidan magaalada Belexaawo, kuwaasoo toogashada kadib goobta isaga baxsatay.

Sidoo kale Xalay Afar dhalinyara ah ayaa hal goob lagu toogtay, Ragga la dilay laba kamid ah walaalo ayey ahaayeen, halka labada kalena ay ehel hoose yihiin. Xiliga la tooganayay waxey la joogeen wiil xanuunsanayay, kaasoo isaga xitaa la dilay.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in shalayna magaalada uu dil ka dhacay, iyadoo aan cidi loosoo qaban falalkan.

Magaalada Beledxaawo oo dhacda xadka Kenya, waxaa gacanta ku heysa dowladda, walina wax war ah kama soo bixin.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*