January 16, 2026

Maamulka Waqooyi Bari oo weeraray madaxweynayaasha Galmudug,K/Galbeed iyo Hirshabele

Maamulka Woqooyi-bari ayaa ka hadlay shirka maamullada Koonfurgalbeed, Galmudug & Hirshabeelle oo aysan ka qayb-gelin iyo shirka Kismaayo oo aysan u socon, iyada oo wasiir ku-xigeenka Arrimaha-gudaha WBS, Cali Axmed Cali uu ku tilmaamay in Laftagareen, Qoorqoor & Guudlaawe  Ay yihiin  kooxdii  Farmaajo oo dib-u-midobaysa, halka Puntland & Jubbaland uu xusey in aysan mucaaradnimo waxba ku keenin.

“Maamul goboleedyada Koonfurgalbeed, Galmudug & Hirshabeelle ee shalay ku shiray Muqdisho,  Madaxweeyne Firdhiye uma tegin waayo danta Maamulkiisa kuma jirto  isaga ka yaqaan  Sidoo kale  Puntland & Jubbaland Kismaayo ayey aadayaan, miyaan raacnaa? Maya danta Mamulkeen kuma Jirto.

Maamulada sadexda ah in ay kuraasta ku fadhiistaan waxa ka shaqeeyey madaxwaynihii 9aad [Farmaajo] oo ahaa saaxiib kood sida maanta inaga uu Madaxwayne Xasan u yahay bud-dhigaha WBS.

Hadda waxaa laga yaabaa in aan aragno saddex-daa maamul oo shirka kismaanyo aadeen, sababta oo ah bud-dhigahoodii Musharrax Farmaajo, waa kooxdii oo dib u midowday…. innaga maxaa diidaya in aan la shaqayno Madaxweyne Xasan ilaa dhammaadka, haddii uu guuleysto mulkiile ayaan nahay, haddii kalena cidda Villa-Somalia timaada la shaqaynteedu waa danta reerkaaga ayaa la dhahaa.

Shacabku ha is weydiiyo maamullada dowlad kasta la dagaalkamay waxa ay faaiidaan.” Wasiir Cali Axmed Cali.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*