January 16, 2026

Maxay Kawada Hadleen Madaxweeyne Xasan Iyo Amiirka Qatar ?

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Dooxa Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, xaaladda gobolka iyo heshiisyada iskaashi ee ay horey uwada galeen Soomaaliya iyo Qatar, kuwaas oo ku saabsan maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo diblumaasiyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Amiir Tamiim xaaladda guud ee dalka, qorsheyaasha horumrineed ee hirgalay ee dib u habaynta dowladnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo hannaanka doorashooyinka tooska ah oo dalku u jihaystay.

Dhankiisa, Amiir Tamiim Bin Xamad ayaa muujiyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Qatar ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay door muuqda ka qaadanayaan horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*