January 16, 2026

Madaxweeyne Axmed Madoobe Oo magacaabay Guddi Diyaarinta Shirka Mucaaradka ee Kismaayo

Wararka laga Helayo Magaalada Kissmaayo ayaa sheegaya  in Madaxweynaha maamulka Jubaland uu magacaabay Guddiga Farsamada iyo Abaabulka Shirka Kismaayo.

Guddigan ayaa loo xil-saaray diyaarinta ajandaha, habraacyada qabanqaabada, iyo isku-duwidda qaybaha kala duwan ee ka qeybgalaya shirka iyagoo isla maanta shaqo billaabay .

Shirka Magaalada Kismaayo ayaa lagu martiqaaday laba Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo saddex Ra’iisulwasaare hore, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Duubab dhaqameed, Bulshada Rayidka iyo Aqoonyahanno Soomaaliyeed.

Waa shir ay si dhow indhaha ugu hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, iyadoo lagu sheegay inuu sawir guud ka bixinayo halka uu taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee dalka.

Shirka ayaa sidoo kale culeys siyaasadeed ku haya Villa Soomaaliya, maadaama uu ka imanayo xilli uu dalka wajahayo isku-dhacyo siyaasadeed oo sii murjiyay xaaladda gudaha.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*