Sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliya Tan iyo bilowgii sanadkan ay , hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya ay shaqada ka joojiyeen in ka badan 680 shaqaale, sabab lagu sheegay hoos h dhac ku yimid maalgelinta gargaarka.

Sida la sheegay Dadka shaqa ka joojinta lagu sameeyay ayaa kala ah;
• 158 shaqaale caalami ah
• 522 shaqaale Soomaaliyeed
Hoos u dhaca ugu weyn wuxuu taabtay hay’adaha UNICEF, WFP, FAO iyo UNFPA, halka UNDP iyo xafiisyo kale oo QM ahna ay sidoo kale shaqaale dhimis sameeyeen.
Dhanka kale Khuburadu saddex waxyaabood ayey arrintan Sabab uga dhigeen:
• Hoos u dhac ballaaran oo deeq-bixiyeyaasha ah,
• Joojinta maalgelin badan oo dibadda ah, gaar ahaan barnaamijyadii USAID,
• Deeqihii caalamiga ahaa oo loo wareejiyay colaadaha Ukraine, Koonfurta Suudaan iyo Suuriya.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag