October 7, 2025

alshabaab Oo Gacanta Ku dhigay Biyacade Iyo Dowlada FS Oo Siyaasadeeysay Dagaalka alshabaab

Wararka aan ka heleeyno Degmada Biyacade ayaa sheegaya in maalintii shalay uu dagaal xoogan ka dhacay kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Somaliya , Macaawiisleeyda Deegaanka Iyo ALSHABAAB .  Dagaalkaasi ayaa ah mid aad u xooganbalse Ciidankii dowlada Iyo Macaawiisleey ayaa isaga Baxay waxaana la soo warinayaa in ay gacanta ku hayaa kooxdii alshabaab degmada biyacade.

 

Sidoo kale Ciidamadii Dowlada Iyo Macawiisleeyda deegaanka ayaa moodaa in ay baneenayaan magaalooyinka ay gacanta ku hayeen waxaana  la sheegayaa in ay jiraan dhibaatooyin badan oo dhinaca faragelin ah.

 

Mid ka mid ah Ciidanka Macawiisleeyda ayaa sheegay in ay jiraan kooxo u sheeqeeya alshabaab kuwaasi oo magacooda la yiraahdo shabaab u ekeh   waxaana ay isugu jiraan Madax maamul  odaydhaqmeed ganacsato iyo taliyaal ciidan. “alshabaab waa iska qaban karnaa laakin dowlada waa in ay naga qabataa shabaab u ekaha ayuu yiri”

 

Dhanka kale Maamulka HirShabelle ayaa moodaa in uu ku fashilmay ka hortaga alshabaab waxaana ay dadka deegaanka sida badan ay farta ku fiiqayaan Maamulka Hirshabelle in uu gacan weeyn ku leeyahay dhibaatada ku soo korortay Deegaanada HirShabelle.Mana ahan madax Waqtigaan diyaar ah ama awoodi kara in ay ka hortagaan kooxda alshabaab.

 

Dhinaca kale Madaxweeyne Xasan Shekh ayaa moodaa in uu siyaasadeeynayo dagaalada ka socda G/ Sh/dhexe Dadka ka faalooda siyaasada ayaa is weeydiinaya maxay tahay sababta keentay in si deg deg ah u qabsadaan alshabaab deegaano badan oo ka tirsan G/sh/dhexe . 

Sualaahaan ayaa u baahan in loo helo jawaab?

alshabaab marka ay ka soo gudbayeen ciidankooda iyo gaadiidkooda waa la arkayay marna lama duqeeyn  markii qabsadeen deeganada Ceelbaraf ,ceel cali axmed ,Biyacade Iyo deegano kale si siman looma duqeeyn .

Dhinaca kale Dagaalada ka socda Hiiraan waxaa la ogsoonyahay in si wanaagsan loo duqeeyo alshabaab marka ay dagaalada kula jiraan ciidanka dowlada iyo macaawiisleeyda deegaanka. waana nasiib daro aad u weeyn. In la siyaasadeeyo dagaalka Kooxda Alshabaab.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*