October 7, 2025

Dowladda oo war kasoo duqeyn uu Mareykanka ka fuliyay Degmada Ceelbaraf

War ka soo baxay Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, ayaa Sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanno hoos taga Degmada Ceel Baraf ee G/Sh/Dhexe .

Sida  xogta hordhaca ah lagu sheegay  in hawlgalka Waxa uu  ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa ay muujinaysaa in lagu burburiyay tira gaadiid ah oo sida maleyshiyaad ka tirsan AlShabaab  iyo qaraxyo ay u soo diyaariyeen in ay weeraro ku fuliyaan, mana jiro wax khasaare ah oo soo gaaray rayidka inta lagu guda jiray hawlgalka.

Sidoo kale Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa wali ku hawlan dhameystirka iyo qiimeynta hawlgalada iyo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo argagixisada qatarta ku ah jiritaanka iyo nabadgelyada bulshada Soomaaliyeed iyo dunida inteeda kale.

Dhanka kale Xariir aan la sameeynay dadka deeganka ee degmada Ceelbaraf ayaa inoo xaqiijiyay in aysan dhicin wax duqeeyn ah shalay iyo doraad waxa aad mooda in dowlada federalka ay ka been sheegayso howlgal aan dhicin in ay dhahaan waa dhaceen.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*