Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta hadal ka jeediyay Goob fagaare ah hase ahaatee waxa uu hadal adag oo siyaasadeed u jeediyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ku boorriyay inay ka soo baxaan guryaha iyo huteellada ay ku sugan yihiin oo ay indhahooda ku soo arkaan amniga iyo bilicda caasimadda muqdisho.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa yiri: “Nimanka guryaha ku jira, Muqdisho quruxdeeda iyo amniga soo arka, oo waxaad hubtaan sheega” .
Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid saacado kooban kadib markii madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka hadlay xaaladda dalka, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay wajahayso xalaado culus oo la xariira waxqabad la’aan dowladeed, iyo gaajo iyo saboolnimo, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo kasii daraya.
Sidoo kale Madaxweeynihii Hore Somaliya Farmaajo ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta la tacaalayaan xaalad nololeed oo ah kuwii ugu xumaa sannadihii lasoo dhaafay,” isagoo ku baaqay in dowladda ay ka shaqeyso xallinta xaaladaha adag ee shacabka soo foodsaartay, islamarkaana la kordhiyo mushaarka ciidamada.
Si kastaba ha ahaatee hadalka siyaasiyiinta ayaa u muuqda mid ku dhisan xalada siyaasadeed ay doonayaan in ay ku duraan dowladii markaa joogta marna ma sheegeen waxa wanaaga ah ee la qabtay kaliya waxa ay sheegaan dhanka xumaanta.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag