Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Abdi Ali, ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, Ayaa Ka wada Hadlay Xaalada labada wadan inta uu socdey shirka 4aad ee Madasha Wasiirrada EU Indo-Pacific ee magaalada Brussels.

Sidoo kale Labada wasiir ayaa yeeshay kulan wadahadallo ku saabsan xiriirka laba geesoodka ah kobcaya ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Pakistan, iyagoo iftiimiyay dadaallada lagu sii xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee dhammaan qaybaha muhiimka ah.

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag