December 1, 2025

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar Oo Kala Saxiixday Heshiis Is Afgarad Ku Saabsan Kormeerka Dhinaca Maaliyadeed

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu heshiis is-afgarad ah (MoU) la galay Hay’adda Isla-xisaabtanka ee dalka Masar, kaddib kulan gaar ah oo ay ku yeesheen magaalada Sharm El-Sheikh, halkaas oo uu ka socday Shirka 23-aad ee Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka Sare.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska hantidhowrka Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in heshiiskan uu ka tarjumayo dadaalka labada hay’adood ee lagu ballaarinayo iskaashiga dhinaca kormeerka iyo baarista maaliyadeed. 

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay kor u qaadaan tayada hantidhowrka, ay isla qaabeeyaan hababka lagula tacaalayo la dagaalanka musuqmaasuqa, islamarkaana ay is-weydaarsadaan khibradaha iyo farsamooyinka casriga ah ee lagu sameeyo baarista hay’adaha dowladda, si loogu shaqeeyo heerarka iyo halbeegyada caalamiga ah.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka go’an yahay ballaarinta iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dalalka gobolka sida waddamada Carabta, taas oo kor u qaadaysa awoodda xafiiska iyo doorarkiisa ku aaddan daahfurnaanta, isla-xisaabtanka, iyo dhaqangelinta mabaadi’da dowlad-wanaagga.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*