January 15, 2026

Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliya Oo Cambaareeyay Xarigga Nabaddoon Xalane

Sida laga soo xigtay Mucaaradka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay xarigga dowladda Federaalka ay maanta ku qaaday nabaddoon Cabdirisaaq Nuur Xalane, xilli uu ka dhoofayay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ay soo saareen ayaa lagu sheegay in xariggu yahay tallaabo sharci-darro ah, isla markaana uu ka tarjumayo “caburinta iyo cabsigelinta lagula kacayo codadka bulshada ka hadla xuquuqda danyarta iyo arrimaha danta guud.”

Sidoo kale Mucaaradku waxay ku tilmaameen nabaddoon Xalane inuu yahay “oday dhaqameed caan ku ah u dooda xuquuqda dadka nugul”, iyagoo ku eedeeyay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay adeegsanayso awood ciidan si loo aamusiiyo dadka ka hadla dhul-boobka, barakicinta iyo musuqmaasuqa.

Sidoo kale Waxay ugu baaqeen Madaxweynaha in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo nabaddoonka, lagana joogsado ficillada lagu caburinayo shacabka iyo hoggaanka dhaqanka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*