November 21, 2025

Booliska Soomaaliya Oo Gacanta Ku Soo dhigey Haweenay Tooreey Ku Dishay Ninkeeda

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska Soomaaliya ay saacado ka hor gacanta ku  soo dhigeeyn  haweeney lagu eedeeyay dilka ninkeeda, kaddib dhacdo naxdin leh oo ka dhacday degmada Dayniile, gaar ahaan waaxda Kor-Damac.

Marxuumka, oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Nuur, ayaa u geeriyooday dhaawac toorey oo la sheegay in ay u geysatay xaaskiisa.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in falkani uu dhacay xilli ay lamaanuhu ku sugnaayeen gurigooda, iyadoo sababaha keenay dhacdadan wali baaritaan lagu wado.

Dhanka kale Haweeneyda la qabtay oo magaceeda lagu sheegay Faadumo Maxamed Cusmaan ayaa hadda ku jirta gacanta ciidamada Booliska.

Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono Maxkamadda awoodda u leh marka baaritaanka hordhaca ah la soo gabagabeeyo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*