November 19, 2025

Ku Dhawaad 42 Qof Oo Cumro U Tagay Sucuudiga Oo Ku Geeriyooday Shil baabuur

Wararka laga Helayo Dalka Sacuudiga Ayaan sheegaya Ku dhawaad  42 qof oo muwaadiniin u  u dhashay Dalka Hindiya  kana yimid magaalada Haydarabad ee dalka Hindiya, ayaa ku geeriyooday shil baabuur kaddib markii bas ay saarnaayeen uu ku dhacay gaari kale, sida ay xaqiijiyeen ilo ammaanka dalka Sucuudiga.

Sidoo kale Baska oo ka soo ambabaxay magaalada barakeysan ee Makkah si ay usoo Siyaartaan Qabriga NNNKH, ayaa ku sii jeeday Madiina, waxaana shilkaasi uu ka dhacay jidka isku xira labada magaalo ee  barakeysan Makkah Iyo Madiina .

Dhanka kale Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa gaaray goobta shilka, halkaas oo ay ka samatabixiyeen dhaawacyada, kuwaas oo qaarkood xaaladoodu ay aad u liidato. Baadhitaanno hordhac ah ayaa tilmaamaya in isku dhaca labada gaadhi uu sabab u noqday waxyeellada culus.

Ugu danbeeyntii Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo sababaha keeni kara shilka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*