November 19, 2025

In ka badan 10 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Galgaduud

Sida ay  Sheegeen Ciidamada  maamulka Galmudug ay xalay howlgal qorsheysana ka fuliyeen  deegaanka Ceel lahelay ee dhaca bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen koox ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday fariisimo kooxdu ku laheyd tuulooyin hoostaga deegaanka Ceel lahelay, waxaana hoggaaminayay saraakiil ka tirsan Ururka Galayr.

Saraakiisha Ururka Galeyr ee howlgalka hoggaaminayay oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan todoba ka mid kooxda Al-shabaab lagu dilay howlgalka ka dhacay tuulooyinka hoostaga Ceel lahelay.

sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Galmudug ay tilmaamay  in howlagalada ay wali socdaan, islamarkaana ay ku raad joogaan firxadka xubnaha kale ee kooxda iyo tuulooyinka kale oo ay gabaadka ka dhiganayaan.

Dhanka kale Howlgaladaan ayaa imaanaya, iyadoo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wadaan deegaanada ay kooxdu kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud. 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*