November 19, 2025

Golaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya Oo Ansixiyay Wasiirrada uu Soo Magacaabay Madaxweyne Firdhiye

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta hortagay Golaha Baarlamaanka si uu u soo bandhigo Golaha Wasiirrada cusub iyo qorshaha xukuumadda ee shanta sano ee soo socota.

Madaxweyne Firdhiye ayaa xildhibaanada ka codsaday inay siiyaan codka kalsoonida, isagoo sharaxay jihada guud ee xukuumaddiisu ku shaqeyn doonto.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in qorshaha xukuumadda uu ku dhisan yahay lix tiir oo hagaya dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, kobaca dhaqaalaha, adeegyada bulshada, maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa, iyo sare u qaadista garsoorka si loo hubiyo in sharcigu sarreeyo .

Golaha Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa dhageystay wasiirrada cusub oo mid mid u soo bandhigay khibraddooda iyo shaqooyinkii ay hore u soo qabteen, waxaana cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay Golaha Wasiirada iyo barnaamijka xukuumadda ee shanta sano soo socota.

Dhanka kale Madaxweyne Firdhiye ayaa uga mahadceliyay Guddoonka iyo xildhibaanada Baarlamaanka sida ay u meel mariyeen xukuumadda cusub, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo wadashaqeynta hay’adaha dowladdu si loo dardargeliyo adeegyada iyo qorsheyaasha horumarineed ee loo baahan yahay.

Golaha wasiirrada maamulka Waqooyi Bari ayaa ka kooban 21 xubnood. Madaxweyne Firdhiye  ayaa labo cishe ka hor magacaabay wasiir ku xigeennada , iyadoo sida aan xogta ku helnay uu horey u jiray khilaaf siyaasadeed oo ka taagnaa wasiirrada uu soo magacaabay Firdhiye.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*