November 19, 2025

Madasha Mucaaradka, Puntland iyo Jubaland oo war-saxaafadeed culus soo saaray

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta, Jubaland iyo Puntland ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray shir saddex maalmood uga socday magaalada Nairobi.

Sida ay sheegeen, Shirka ayaa lagu falanqeeyay xaaladda dhinacyada siyaasadda iyo amniga dalka iyo u diyaar garowga doorashooyinka 2026.

Sidoo kale Goluhu wuxuu go’aamiyay in shirweynahiisa uu ka dhaco gudaha Soomaaliya, kaasoo xooggiisa la isugu geyn doono in doorashooyinka federaalka ay ku dhacaan waqtigooda.

Dhanka kale Waxay digniin u direen Madaxweyne Xasan, iyagoo ka digay ku takrifalka awoodda, wax ka beddelka sharci darrada ah ee Dastuurka, iyo carqaladeynta nidaamka federaalka.

Ugu danbeeyntii Goluhu si cad ayuu uga soo horjeestay wax ka beddelka Dastuurkii 2012, Damaca muddo kororsi, iyo doorashooyin aan heshiis lagu ahayn. Golaha Mustaqbalka ayaa shacabka ugu baaqay midnimo iyo wadajir si loo badbaadiyo mustaqbalka dalka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*