
Wararka aan kahelnay Degmada Biyacade ayaa sheegaya in ay maanta ka dhaceen dagaalo kaasoo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qadeen fariisimo ciidanka dowladda ku lee yihiin degmada Biyacade.
Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa ah mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala gedisan, waxaana meelo ka fog fog deegaanka laga maqlaya dhawaaqa hubka culus.
Khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda gudaha degmada Biyo Cade lama oga ilaa hadda, maadaama uu wali dagaalka socdo
Dagaalkan ayaa qeyb ah mid daba socda dagaalo qaraar oo maalmahii lasoo dhaafay ku dhexmaray qaar ka mid ah deegaanada iyo degmooyinka gobolka Shabeellaha Dhexe ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo hal dhinac ah iyo kuwa Al Shabaab.
Dhanka kale waxaa wali socda dagaal ay isku horfadhiyaan Ciidamada XDS Iyo Macaawiisleeyda Deegaanka Iyo ALSHAABAB Duleedka degmada Ceelbaraf ayadoo ay ciidanka dowlada somaliya ay ku garaacayaan Madaafiic Dhufeesyada Alshabaab ay ku leeyihiin Gudaha Ceelbaraf.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag