November 20, 2025

Maxay Kawada Hadleen R/Wasaare Xamza iyo Safiirka Jarmalka u jooga Somaliya?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Sebastian Groth.

Kulanka, ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, ee dhinacyada amniga, maal¬gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Jarmalka, taageerada ay siiso Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhanka kale , Danjiraha Dowlada Jarmalka, Groth ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jarmalka ay ka dhaxeyso xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer, isla markaana ay ka go’an tahay dhankooda in ay sii xoojiyaan, si loo gaaro yoolasha la hiigsanayo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*