Xiisad adag ayaa ka dhalatay hirgelinta barnaamijka E-Visa ee ay dowladda federaalka Soomaaliya dhowaan si rasmi ah uga dhaqan gelisay guud ahaan dalka, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo nidaamka socdaalka iyo soo gelitaanka dalka.

Barnaamijka E-Visa oo ah hannaan elektaroonig ah oo lagu dalban karo fiisaha Soomaaliya iyadoo aan la tagin safaarad ama xafiis socdaal ayaa hadda laga dhaqan geliyey dhammaan dalka, iyadoo qof kasta oo ajnabi ah oo dalka imanaya ama baasaboor shisheeye wata looga baahan yahay inuu ka dalbado fiisahaas online-ka ah.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa si weyn uga careysiisay maamulada Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo labaduba ka hor yimid hirgelinta barnaamijkaas, iyagoo ku tilmaamay “mid aan ka shaqayn doonin deegaannadooda.
garoomada Boosaaso iyo Hargeysa ayaa dadka ajnabiga ah ee dalka ka soo degaya ay ka qaadaan lacag kale oo ah fiisah gudaha ah” taas oo macnaheedu yahay in qofkii hore E-Visa uga soo qaatay Soomaaliya, mar kale lacag laga qaadayo marka uu yimaado garoomadaas.
Dhanka kale Maamulka Somaliland ayaa dhankeeda qaaday tallaabo culus, ayadoo soo saartay amar dhaqan-galkiisu ku beegnaa 10-kii bishan oo ay ku sheegtay in dhammaan diyaaradaha hawada deegaannadeeda dulmara ay khasab tahay inay oggolaansho ka helaan Garoonka Cigaal International Airport ee Hargeysa.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda duulista iyo hawada ee Somaliland ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dulmara hawada Somaliland in ay oggolaansho buuxa ka helaan maamulka Hargeysa, haddii kalena loo arki doonaa duullimaad aan fasax haysan.
Saacado kadib, muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujiyey in shaqaalaha hawada ee garoonka Hargeysa ay la hadlayeen diyaarad hawada ku jirta, iyagoo u sheegaya in ay ku sugan tahay hawada Somaliland.
Soomaaliland waxay ku hanjabtay in diyaaraddii amarkaas u hoggaansami wayda ay tillaabo adag ka qaadi doonto, taas oo dhalisay su’aalo ku saabsan saameynta ay Soomaaliland ku yeelan karto maamulka hawada.
Sida uu dhigayo nidaamka caalamiga ah ee duulista (ICAO – International Civil Aviation Organization), maamul hawada (Airspace Control) waxaa leh dowlad si rasmi ah oo loo aqoonsan yahay inay maamusho dhulkaas.
Soomaaliya oo ah xubin rasmi ah oo ICAO ka tirsan ayaa leh maamulka hawada Soomaaliyeed, waxaana xarunta duulimaadyada (Flight Information Region – FIR) laga maamulaa magaalada Muqdisho, halkaas oo laga bixiyo oggolaanshaha iyo ilaalinta duulimaadyada dhammaan hawada Soomaaliya.
Taas macnaheedu waa in Somaliland aanay awood sharci ah u lahayn inay joojiso ama celiso diyaarad hawada ku jirta, maadaama maamulka hawada Soomaaliya si buuxda ugu hoos jiro dowladda federaalka, islamarkaana ay ICAO iyo ururada kale ee duulista caalamka u aqoonsan yihiin Muqdisho inay tahay meesha kaliya ee fasaxa hawada laga bixiyo.
Haddii diyaarad ay diido amarka maamulka hawada ee Muqdisho oo ay ku dhaqaaqdo amar kale oo Hargeysa ka yimid, waxaa khatar ku noqon kara rukhsadda duulimaadkaas, waxaana xitaa suuragal ah in la xiro akoonkeeda duulimaadyada ee caalamka.
Marka ay diyaaradi soo gasho hawada dal, waa in ay si joogto ah ula xiriirtaa xarunta hawada ee dalkaas (Air Traffic Control Center), iyadoo raacaysa tilmaamaha duulimaad ee dalkaas lagu maamulo.
Haddii ay jiraan is-afgaran-waa siyaasadeed ama maamul, duuliyayaasha caalamiga ah waxay mar kasta raacaan nidaamka la aqoonsan yahay ee ICAO si looga fogaado halis amni iyo mid sharci.
Garoonka Cigaal International Airport ee Hargeysa wuxuu leeyahay raadeer kooban (short-range radar) oo awood u leh inuu qabto duulimaadyada dhow ee gudaha hawada Hargeysa iyo deegaanada ku xeeran, balse ma laha raadeer buuxa oo daboolaya dhammaan hawada Maamulka Somaliland.
Maamulka hawada Soomaaliya ee ku shaqeeya Muqdisho ayaa leh qalab buuxa oo isku xira raadeerrada Muqdisho, Garowe, iyo Berbera, kuwaas oo ka qayb ah nidaamka isku dhafan ee duulista Soomaaliya.
Xiisadda ka dhalatay barnaamijka E-Visa iyo arrinta maamulka hawada ayaa noqotay mid sii hurinaysa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, In kasta oo Somaliland ay sheegtay inay si madax-bannaan u maamuli doonto hawadeeda, haddana nidaamka caalamka ee duulista iyo aqoonsiga sharci ee Soomaaliya ayaa siinaya Muqdisho awoodda keliya ee lagu maamulo hawada dalka oo dhan.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag