Maamulka Puntland ayaa la sheegayaa in ay ku eedeysay Dowladda Qatar inay ka dambeysay dilkii maareeyihii shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso, Paul Farmosa, oo magaalada Bosaso lagu dilay bishii March ee sanadkii 2019, isla markaana ay taageerto kooxaha argagixisada iyo warbaahinta faafisa mabaadi’dooda.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in argagixisadii buuraha joogta iyo kuwa ku dhuumaalaysanaya saxaafadda in ay isku mid yihiin, isagoo intaas ku daray in la soo afjari doono dhammaan kooxaha faafiya mabaadi’da Daacish iyo Al-Shabaab.
Dhanka kale wuxuu xusay in Dowlada Qatar ay qiratay kaalinteedii ka dambaysay dilkii maareeyihii DP World ee Boosaaso, isla markaana ay maalgeliso warbaahinta Middle East Eye, oo uu wasiirku kutilmaamay kuwa dacaayado iyo been abuur ka sameeysa Maamulka Puntland.
“Waxaas oo dhan waxay ka tarjumayaan ciil ay qabaan kuwa aan rabin in Mamulka Puntland ka adkaato Daacish,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, isagoo ku adkeeyay in Puntland ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo cid kasta oo taageerta.
Si kastaba ha ahaatee Lama oga sababta keentay xilligan in Maamulka Puntland ay ku eedeyso Dowlada Qatar inay ka dambeysay dilkii maareeyihii dekedda Boosaaso, iyadoo la ogyahay inay Alshabaab ka dambeeyeen ayna sheegteen dilkiisa.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag