Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed oo galinkii hore ee maanta ka dhacay tuulada Dudumaaye oo hoostagta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo Shalay nin oday ahaa lagu gubay.

Sidoo kale Dagaalkaan ayaa ahaa mid u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega, wuxuuna daba socday dilkii halkaas loogu geystay Shalay nin oday ahaa oo nolosha lagu gubay arrimo laxariira aargoosi aano qabiil ah.
Mid ka mid ah dadka deegaanka Dudumaaye ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dagaalka maanta ay soo qaadeen maleeshiyaad ku hayb ah ninkii shalay la gubay, islamarkaana ay soo weerareen tuulada ay ku sugnaayeen dadkii gubay ninka odayga ahaa.
“Dagaalka saaka dhacay wuxuu daba socday ninkii shalay la jir dilay ee hadana la gubay dadkiisa ayaaa weerar soo qaaday saaka waxayna kusoo qaadeen tuulada Dadumaay, gaar ahaan dadkii dhibaatada gaystay, walina lama oga khasaraaha rasimaga ah ee ka dhashay dagaalka” ayuu yiri qof ka mida dadka deegaanka Dudumaaye.
Dhanka kale Wararka ayaa sheegaya in dagaalka maanta ka dhacay Dudumaaye inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah, waxaana jirtay in dab la qabadsiiyay guryo ku yaalay tuulada Dudumaaye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Xaalada deegaanka Dudumaaye ayaa wali ah mid aad u kacsan, iyadoo aysan wali kala fogeyn labada maleeshiyo beeleed ee galinkii hore ee maanta dagaalka culus uu ku dhexmaray gudaha tuulada Dudumaaye oo Shalay lagu gubay nin oday ahaa oo la sheegay inuu dhimirka ka xanuunsanaayay, kaasoo aano qabiil darteed nolosha loogu gubay.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag