November 21, 2025

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isportiga Soomaaliya oo Heshiis Iskaashi la Saxiixday Dhigiisa Sacuudiga

 Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Turki Al-Faisal, kaas oo ka dhacay magaalada Riyaad.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada dhinac ayaa kala saxiixday Heshiis Iskaashi (MoU) oo diiradda saaraya dib u dhiska iyo dayactirka garoomada ciyaaraha, horumarinta xirfadaha dhalinyarada iyo abuurista fursado shaqo*oo loogu talagalay dhalinyarada Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa sheegay in heshiiskan uu astaan u yahay xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana uu albaab cusub u furayo iskaashi dhanka dhalinyarada iyo ciyaaraha ah.

Wasiirka oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo labo maalmood socon doonta ayaa ku kulmi doono magaalada Riyaadh qaar ka mid ah wasiirrada dhalinyarada ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo isdhaafsiga waayo-aragnimada dhanka horumarinta dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Turki Al-Faisal ayaa dhankiisa balan qaaday iyadoo la xoojinayo xiriirka labada Dowladood inay sii joogteyn doonaan taageerada ay siinayaan dhalinyarada Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo fursadaha Shaqo ee lagu taageerayo dhalinyarada.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*