November 21, 2025

Bangiga Adduunka Oo Soomaaliya Ka bilaabaya Mashruuc Gaaray $112 Milyan ah Oo Shaqo u Abuur Ah

Bangiga Adduunka ayaa shaaciyey mashruuc cusub oo $112 milyan ah oo loogu talagalay in lagu abuuro 28,000 oo shaqo oo dhalinyarada loogu talo galay, iyo in lacag gargaar toos ah lagu siiyo 123,000 qoys oo nugul, taas oo la filayo inay si toos ah u taageerto ku dhowaad 738,000 qof guud ahaan dalka.

Mashruucan oo lagu magacaabo BOOST-You (Building Opportunities and Outcomes in Social Protection and Youth Employment) ayaa lagu sheegay inuu yahay tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u qaadayso dhinaca iskaashiga iyo nidaam dawladeed oo waara oo ka madax bannaan gargaarka bani’aadannimo ee degdega ah.

Maareeyaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Hideki Matsunaga, ayaa sheegay in mashruucan uu dhisayo barnaamijka dawladda ee Baxnaano, kaas oo horey loogu bilaabay bixinta lacagaha gargaarka tooska ah. “BOOST-You waa markhaati muujinaya sida Soomaaliya uga go’an tahay dhisidda hay’ado adkaysi leh iyo abuurista fursado dhab ah oo dhalinyaradeeda ah,” ayuu yiri Matsunaga.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu xoojinayo kalsoonida iyo xiriirka u dhexeeya dawladaha iyo muwaadiniinta.

Dhaqaalahan waxaa ka mid ah $100 milyan oo ka imaanaya Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah (IDA), $10 milyan oo laga helayo Sanduuqa Iskaashiga Soomaaliya (MPF), iyo $2 milyan oo ka socda Global Shield Financing Facility (GSFF).  

Si kastaba ha ahaatee, mashruucan ayaa qorshaha laga rabo wuxuu yahay in dawladda Soomaaliya ay iyadu hoggaamiso dib u soo kabashada dhaqaale iyo bulsho ee dalka, kaddib markii Soomaaliya ay dhamaystirtay geeddi-socodkii cafinta deynta HIPC bishii Disembar 2023, taas oo albaabka u furtay maalgelin cusub oo caalami ah.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*