Wararka laga Helayo Dalka Jarmalka ayaa sheegaya Wiil dhalinyaro Soomaali ah uu seddex Ruux Oo haween ah toorey ku dilay magaalada Würzburg ee gobolka Bavaria, Jarmalka, Ninkaasi oo Xabsiga loo dhigay ayaa lagu sheegay in aan Dalkiisa loo celin karin waxaana uu si joogto ah ugu sii jiri doonaa xarunta dadka maskaxda laga daweeyo ee Jarmalka.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Munich ayaa bogga wararka ee BR24 u sheegay in aan la sii deyn karin si loo masaafuriyo , iyadoo loo ilaalinayo ammaanka guud ee bulshada.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii khabiir caafimaad maskaxeed uu soo jeediyay in haddii ninkan la masaafuriyo, ay jirto halis weyn oo uu mar kale Jarmalka ugu soo laaban karo, taasoo u sahlaysa inuu geysto falal kale oo dambiyo culus ah.
Xeer-ilaaliyayaasha ayaa intaas ku daray in ninka Soomaaliga ah laga yaabo in haddii uu dalkiisa lagu celiyo, si xor ah loo sii daayo, taas oo u suuragelin karta inuu dib ugu soo laabto Jarmalka.
Horay, Xafiiska Gobolka Bavaria ee Qaxootiga iyo Masaafurinta ayaa xaqiijiyay inuu baarayo suurtagalnimada masaafurintiisa, balse taas waxaa looga baahnaa oggolaanshaha xafiiska xeer-ilaaliyaha.
Hadda, ninkan Soomaali ah ayaa lagu sii hayn doonaa qaybta dadka maskaxda laga daweeyo ee isbitaalka Lohr, oo ku taalla 30km waqooyi-galbeed ka xigta Würzburg. Xafiiska xeer-ilaaliyaha Munich ayaa sheegay in uu weli khatar ku yahay bulshada.
Qareenkiisa, Hanjo Schrepfer, ayaa wakaaladda wararka ee dpa u sheegay: “Waxaan u arkaa go’aanka xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud mid sax ah, waxaana aaminsanahay in go’aankan garsoorka ah uu yahay mid ku habboon.”
25-kii Juun 2021, ninkan oo markaas 24 jir ahaa, magaciisana lagu sheegay Cabdiraxmaan Jibriil, ayaa mindi ku weeraray dukaanka kuyaala magaalada Würzburg oo ay ku nol yihiin ku dhawaad 130,000 qof), kadibna bilaabay inuu dadka si aan kala sooc lahayn u weeraro.
Wuxuu dilay seddex haween ah oo da’doodu ahayd 25, 49 iyo 82 jir, wuxuuna dhaawacay ugu yaraan sagaal qof oo kale. Mid kamid ah haweenkaas ayaa ku dhimatay iyada oo difaaceysa gabadheeda 11 jir ah oo ninka uu isku dayay inuu mindiyeeyo. Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu ku qeylinayay “Allahu Akbar” xilliga uu weerarka waday.
Ninkan ayaa la sheegay inuu Jarmalka kasoo galay Talyaaniga bishii May 2015, xilligii ugu sarreeyay ee qulqulka qaxootiga ee Jarmalka. Wuxuu dalbaday magangelyo. Inkastoo codsigiisa la diiday, haddana wuxuu helay ilaalin ku-meelgaar ah, taasoo u oggolaatay inuu si sharci ah ugu sii nagaado Jarmalka.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag