November 4, 2025

R/Wasaare Xamsa Oo Ka Hadlay Shirka Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka ee Soomaaliyeed (Somali Internet Governance Forum), kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku adkeeyey muhiimadda uu leeyahay in shirkan laga soo saaro qodobo wax ku ool ah oo horseeda horumar iyo nidaam lagu hagaajinayo maamulka iyo isticmaalka Internet-ka ee dalka, si Soomaaliya ay ula jaanqaaddo isbeddelka tiknoolojiyadda caalamka.

“Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka waa fursad muhiim ah oo aan ku dejin karno qodobbo aan ku matali karno dalkeenna shirarka tiknoolojiyadda ee caalamiga ah, Dalalka kale Internet-ka iskama isticmaalaan, sharciyo iyo nidaam adag ayaa lagu maamulaa, Soomaaliya-na waa waajib in ay qaadato waddadaas si looga hortago xadgudubyada dijitaalka ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

R/Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in Soomaaliya looga baahan yahay in ay dhisato sharciyo casri ah oo ilaalinaya anshaxa, amniga iyo xuquuqda isticmaalayaasha Internet-ka, isaga oo hoosta ka xariiqay in si dhab ah loo wajahayo arrimaha la xiriira anshaxa iyo ilaalinta xogaha dijitaalka ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in shirkadaha bixiya adeegyada Internet-ka ay bulshada u adeegaan si caddaalad ah oo siman, islamarkaana ay ka fogaadaan tartan aan faa’iido u lahayn horumarka guud ee dalka.

“Waxaan ku boorinayaa dhammaan shacabka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarka dalka, iyaga oo dhowraya danta guud iyo midnimada Qaranka,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Dan-Qaran ayaa ballan qaaday in dowladdu ay sii xoojin doonto dadaallada lagu dhisayo sharciyo iyo hannaan casri ah oo lagu maamulo Internet-ka, si loo xaqiijiyo amniga dijitaalka ah, xuquuqda isticmaalayaasha, iyo kor u qaadista dhaqaalaha dhijitaalka ah ee Soomaaliya.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*