Wararka laga Helayo Magaalada Hargeeysa ayaa sheegaya in Askar ka tirsan ciidamada naafada ee hawlgabka ah ee Mamaulka Somaliland uu saaka xirtay waddada gasha Wasaaradda Gaashaandhigga, iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan.

Askartan oo gubay taayiro isla markaana dhagxaan ku xiray waddada, ayaa sheegay in ay naftooda u hureen difaaca Maamulka Somaliland, balse aan la siin mushaarkoodii.
“Wasaaradda Gaashaandhigga wax galaya ma jiro ilaa arrinkayaga la xalliyo. Mushaar ma hayno, madax iyo maamul toona ma lihin. Aniga iyo Madaxweynaha cid noo dhaxaysa ma jirto. Dadkani waa dadkii dalka difaacay, maanta se cidlo ayaa lagu reebay. in aanan fariisanayn, ilaa cabashadayada la maqlo,” ayuu yiri mid ka mid ah askarta naafada ah.
Dhanka kale, Taliska Guud ee Ciidanka Milateriga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Maamulka Somaliland ayaa labaduba ka hadlay dhacdadan, iyaga oo soo saaray hadallo isburinaya. Taliska Guud ee Ciidanka ayaa gabi ahaanba beeniyey in dadka mudaharaaday ay yihiin xubno ka tirsan ciidamada, isaga oo sheegay in aanay ciidanka ku lahayn wax xuquuq ah.
“Taliska Guud ee Ciidanka Qaranku waxa uu caddeynayaa in xubnahaasi aanay ka mid ahayn Ciidanka Qaranka, balse ay yihiin shaqaale ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland. Isla markaasna aanay jirin wax xuquuq ah oo kaga maqan Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, oo la hadlay Galayr TV kadib mudaharaadka, ayaa sheegay in askarta mudaharaaday ay yihiin askar rasmi ah oo ka tirsan ciidanka, isla markaana kamid ah naafada hawlgabka ah ee leh xuquuq ciidan, balse ay dalbanayaan mushaar kordhin.
“Waa naafo kasoo jeeda xerada Birjeex, oo ka tirsan ciidamada kala duwan. Ma aha markii ugu horreysay ee ay mudaharaad noocan oo kale ah sameeyaan; waa markii saddexaad. Waxay dalbanayaan in mushaarka loo kordhiyo si ay ula simaan askarta jooga jiida hore. Dalabkoodu waa kordhin mushaar, balse taasina si khasab ah ku iman mayso, waa barnaamij dowladeed oo u baahan miisaaniyad,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed.
Sidoo kale Wasiirku waxa kale oo sheegay in dadka mudaharaaday ay taageero ka helayeen kooxo abaabulan oo baabuur ku keenay taayirradii iyo dhagxaantii lagu jaray waddada, isla markaana xogta arrintaas loo gudbiyey laamaha amniga si baaritaan loo sameeyo.
“Waxaa socda barnaamij dowladeed oo lagu diiwaangelinayo dhammaan naafada ciidanka, gacanta ayaana lagu hayaa diiwaangelintooda. Sidoo kale, miisaaniyadda sannadka 2026 ayaa odoroskeedu ku jira sidii naafada wax loogu qoondeyn lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka.
Waa markii ugu horreysay ee askar ka tirsan ciidamada Somaliland ay waddooyinka xiraan iyaga oo si toos ah uga cabanaya mushaar la’aan. Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Somaliland ayaa sanadkan 50% kor u qaadday mushaarka ciidamada, iyadoo sheegtay in ay sannad kasta intaa in la mid ah ku kordhin doonto.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag