November 4, 2025

Dowladaha Carabta oo go’aan adag ka qaatay muranka Itoobiya iyo Masar

Sida ay sheegeen Dowladaha  Khaliijka Carabta  in Itoobiya aan wax laga weydiineynin Badda Cas, shaqana aysan ku leheyn.

Xoghayaha Guud ee ururka Gacanka Carabta oo ay ku midaysan yihiin dalalka Khaliijka Jaasim Mohamed Abdulqawi ayaa maanta sheegay mowqifka dalalka ururka ee ku aaddan damaca Itoobiya ee Badda Cas.

Sidoo kale Xoghayaha Ururka Gacanka waxaa uu sheegay inaa Itoobiya waxba laga waydiinayn arrimaha Badda Cas, oo aysan shuqul ku lahayn, taas oo ka dhigan inay meesha ka saarayso doonista aan salka lahayn ee Itoobiya ee Badda Cas.

Dhanka kale Tani ayaa u muuqata dharbaaxo diblomaasiyadeed oo ay la kulantay Itoobiya, taasoo loo badinayo iney ka shaqeysay Masar oo si wayn u diidan doonista Itoobiya ee gaarista Badda Cas. Addis Ababa ayaa bilowday olole xoog iyo xeeladba ku dhisan oo ku raadinayso iinay cagaha dhigto biyaha Badda Cas.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*