November 3, 2025

Maamulka Puntland Oo Magalada Garowe Geyay In Ka Badan 300 Askari Booliis ah Si ay Ula Wareegaan Amniga Caasimadda

 Maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Garowe geysay in ka badan 300 askari oo booliis ah, kuwaas oo loogu talagalay inay la wareegaan sugidda amniga caasimadda Maamulka  Puntland, xilli ay sanadihii u dambeeyay ay Magaalada Garowe kusoo badanayeen falalka lidka ku ah amniga shacabka.

Ciidamadan oo muddo ku dhow hal sano lagu tababarayay Kulliyadda Ciidanka ee degmada Carmo ayaa  ahaa dhalinyaro ka baxday jaamacadaha iyo dugsiyada sare, kuwaas oo lagu soo xulay tartan furan.

Waxaa lagu wadaa inay ka howl-galaan saldhigyada booliiska ee Magaalada Garowe, iyagoo beddelaya ciidamadii hore ee halkaas ka shaqayn jiray. Waxaa la filayaa inay si rasmi ah shaqadooda u bilaabaan maalmaha soo socda.

Maamulka Puntland ayaa ciidamadan ku qalabeysay gaadiid cusub iyo hubka fudud, iyadoo sidoo kale dib u dhis iyo dayactir ku samaysay xarumaha ay ciidamadaan ay  ku shaqeyn doonaan.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, ayaa sheegay in dhismaha ciidamadan uu ka dhashay baahi loo qabo inay magaalooyinka Putland ay yeeshaan Booliis aqoon iyo anshax leh. Wuxuu xusay in la ogaaday qayb ka mid ah dhibaatooyinka amni darrada in ay sabab u ahaayeen askarka oo ay ku jiraan kuwa ku lug leh qamriga.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay Maamulka Puntland ka taageerto bixinta mushaaraadka iyo qarashaadka kale ee ku baxaya ciidamadan cusub ee booliiska Taas oo Caqabada Ku Naqan karta Jiritaanka Maamulka Puntland Iyo Guud ahaan Madaxbaaninda Dalka Somaliya.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*