Taliska ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen horjooge ka tirsanaa ururka Al-Shabaab oo isaga soo tagay kooxda, kaddib markii uu ku adkaaday nolosha adag iyo daryeel la’aanta ka jirta howdka ay ku dhuumaaleysanayeen.

Jeneraal Ibraahim Yuusuf oo la hadlaayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ninka lasoo qabtay lagu magacaabo Maxamed Amiin, balse kooxda Al-Shabaab ay u taqaan Abwaan Afgaani. Jeneraalka ayaa tilmaamay in ninkaan uu hoggaaminayay ilaa 60 dagaalyahan, balse uu go’aansaday inuu is dhiibo kaddib markii uu la kulmay baahi, daal iyo xaalad nololeed oo aad u adag.
Sida uu sheegay Jeneraal Ibraahim Yuusuf, horjoogahaasi wuxuu qirtay in uu go’aansaday inuu isaga tago Al-Shabaab kadib markii uu dareemay in nolosha ay ku jiraan aysan aheyn mid bani’aadan lagu sii noolaan karo, isagoo sheegay in daryeel la’aanta iyo cadaadiska kooxda ay sabab u noqdeen go’aankiisa.
Jeneraalka ayaa ugu baaqay dagaalyahanada kale ee Al-Shabaab in ay ka faa’iideystaan fursadda cafiska dowladda, islamarkaana ay isku soo dhiibaan si ay nolol cusub ugu bilaabaan gudaha bulshada Soomaaliyeed.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag