October 7, 2025

Xildhibaanada kasoo jeeda M/Jubaland Oo Mooshin Keenay baarlamaanka Soomaaliya

Wararka saakay ayaa sheegaya in Dood adag ka dhacday  fadhiga Golaha Shacabka JFS oo xildhibaannada Jubbaland ay horgeeyeen mooshin ka dhan ah Hey’adaha Amniga; iyaga oo dalbaday in la horkeeno Wasiirka Amniga iyo Taliyaasha Ciidamada, si ay wax uga weydiiyaan xayiraadda socdaalka  la saaray Jubbaland.

 

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa sheegey in siyaasiyiinta iyo shacabka la saaray xayiraad socdaal, isla markaasna qol si gaar ah su’aalo loogu weydiiyo reer Jubbaland laga sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho. 

 

Dhanka kale Khilaafka Jubbaland iyo DFS ayaa hadda galay fadhiyada Baarlamanka, waxaana la fiirinayaa halka uu saldhigto.

sikastaba ha ahaatee Xayiraada la saarayo maamulka jubbaland ayaa naqanaya nidaamkii uu kula dhaqmi jiray madaxweeynihii hore somaliya maxamed farmaajo kaasi oo ahaa in la xyiro dhamaan diyaaradaha u safrayo jubbaland  maadaama ay isku xumaayeen maamulkii axmed madoobe hadana waxaa sidaa sameeynaya madaxweeynaha waqtigaan joogo madaxweeyne xasan shiikh waana nasiib daro aad u weeyn waxii uu shalay ka qeeylinayay in uu maanta ku dhaqmo ma ahan siyaasad wanaagsan.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*