November 2, 2025

Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa Ku Guuleeysatay Doorashadii Muranka Dhalisay

Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa guul weyn ka gaadhay doorashadii dalkaasi iyadoo heshay ku dhawaad 98% codadka, sida ay subaxnimadii maanta oo Sabti ah ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinku.

“Waxaan halkan kaga dhawaaqayaa in Samia Suluhu Xasan loo doortay Madaxweynaha Tanzania iyada oo ka socota xisbiga CCM,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Jacobs Mwambegele, isagoo ka hadlaya telefishinka qaranka.

Guddoomiyaha INEC, Jacobs Mwambegele, ayaa sheegay in Samia Suluhu Hassan ay ku guuleysatay oo ay heshay 31,913,866 codod oo ka mid ah 32,678,844 codod oo la dhiibtay.

Natiijooyinkan ay ku dhawaaqday INEC waxay siinayaan Suluhu awood buuxda oo ay ku maamusho muddo shan sano ah.

Madaxweeyne Suluhu waxay talada qabatay sanadkii 2021 ka dib geeridii Madaxweyne John Pombe Magufuli.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*